Murashixiin Madaxweyne oo ku baaqay in Xarunta Doorashadda Madaxweynaha laga wareejiyo Scoula Polizia.

19 Murashax Madaxweyne oo ka mid ah 23-ka Murashax ee u taagan inay ku loolamaanm Doorashadda Madaxweynaha ayaa maanta Kulan ku yeeshay magaalladda Muqdisho, oo ay kaga hadleen qoddobo ay u arkeen inuu Xasaasi u yahay.

Ilo ku dhowdhow Madasha ay Murashixiiniinta ku shireen ayaa sheegayo inay Xildhibaanadda Codsi u direen Guddiga Doorashadda Madaxweynaha iyo Wakiilladda Beesha Caalamka, taasi oo ay ku muujiyeen Kalsooni-darro ay ku qabaan Taliyayaasha Ciiddamadda ee DFS, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Waxay kaloo sheegeen inay naftooda u baqanayaan haddii Xaruunta Cod-bixinta Doorashadda laga dhigo Akadeemiyadda Tababarka Boliska ee Jeneral Kaahiye (Ex-Scoula Polizia), waxayna xuseen inuusan Taliyaha Boliska Soomaaliyeed, Jeneral Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud dhedhexaad ka ahayn Doorashadda.

Murashixiiniinta Madaxweynaha waxay ugu baaqeen Guddiga Doorashadda iyo Beesha Caalamka in Doorashadda lagu qabto gudaha Xarumaha UNSOM iyo AMISOM, gaar ahaan Xaruntii ay horey ugu shiri jireen Hoggaamiyayaasha Madasha Wada-tashiga Qaranka (National Leadership Forum) oo ay xuseen inay tahay Xarun Dhexdhexaad ah oo Amni leh..

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media