Muran ka dhashay Saddex ruux oo Ciidamada dowladda ay toogteen

Mas’uuliyiinta gobolka ee dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in hawlgal ka dhacay degaan hoos yimaadda degmada Diinsoor oo lagu magacaabo Kanaanax ay ku dileen saddex nin oo ka tirsanAl-Shabab.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ciidanku ay sidoo kale hub soo furteen. Hase yeeshee dhinaca kale mid ka mid ah ehelada dadkaasi ayaa VOA u sheegay inay ahaayeen dad rayid ah.

Gudoomiyaha Degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur Shigshigow ayaa sheegay in ragga la dilay oo saddex ah ay saarnaayeen mooto,isla markaana laga soo furtay Bustoolado,isla markaana ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Waxa uh beeniyey in Saddexda qof ay ciidamadu dileyn in ahaayeen Shacab,waxa uuna sheegay in ay bartimaameed sanayeen raggaaa kadib markii ay xogtooda horay u heleen.

Siakastaba Al-Shankooda weli wax war ah kama soo saarin dilka Saddexda ruux ee la sheegay in ay ka tirsanaayeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor