Muqtaar Roobow oo ku adkeysanaya musharaxnimadiisa kadib Go’aankii ka soo baxay Dowladda iyo farriimo loo diray…

Kadib Wareegtadii ka soo baxday Wasaaradda Amniga Soomaaliya ee Muqtaar rooboow looga joojinayay u tartamida Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa weli waxa uu Baydhabo ka wadaa ololihiisa doorashada.

Maanta ayuu Magalada Baydhabo kulan kula qaatay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka Magalada Baydhabo,iyo xildhibaano ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa Maanta waxaa loo diray farriin ku saabsan ololaha doorasho ee Muqtaar Roobow iyo inuu qaban doono Xaflad uu ku shaacinayo musharaxnimadiisa.

Si kastaba lama oga tallabada ay qaadi doonto dowladda Soomaaliya hadii Muqtaar roobow uu ku adkeyso inuu u tartami doono Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor