Muqdisho: Maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay Dilal ka dhacay Muqdisho

Afayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdi-fitaax Cumar-xalane oo la hadlay warbaahinta ayaa ka waramay dilal siyaabooyin kala duwan Habeenadii la soo dhaafay uga dhacay qeybo kamid ah Muqdisho.

Afayeenka maamulka gobolka ayaa sheegay in amaanka Muqdisho uu yahay mid wanaagsan,dilalka dhacana ay yihiin kuwii ugu yaraa marka la’is barbar dhigo xilayadii hore iyo haatan magaalada Muqdisho.

Xalane ayaa atilmamay in tallaabo laga qaadi doono kooxaha ka danbeeya dilalka ka dhaca Muqdish,maamulka gobolkana uu xoojin doono amaanka magaalada.

Habeenadii la soo dhaafay waxaa degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir ka dhacay dilal qorsheysan oo siyaabooyin kala duwan uga dhacay muqdisho mana jirto ilaa iyo hada cid loo soo qabtay dilalkaasi.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media