Maanta waxaa magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ka tirsan gobollada dalka laga qabtay imtixaan loo qaadayay macalimiin cusub oo noqon doona Macalimiinta Qaranka. Imtixaankan ayaa waxaa u fariistay 13,250 qofood oo isugu jiray rag iyo dumar, waxaana furay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir.
Wasiirka ayaa sheegay in tirada guud ee macalimiinta soo codsaday iney ka mid noqdaan barayaasha Qaranka ay ahayd 26,540, balse markii dib loo eegay ay soo gudbeen 13,250, kuwaas oo maanta imtixaanka ku galay 45 goobood oo ku yaalla dalka Soomaaliya, 19 degmo oo ka tirsan dowlad goboleedyada iyo 14 goobood oo gobolka Banaadir ah.
Wasiir Faarax ayaa tilmaamay in Wasaaradda Waxbarashada ay dadaal weyn ku bixisay sidii ay u sugi lahayd caddaaladda imtixaanka, islamarkaana dadka ku haray kala reebista ay heleen fursad cabasho oo dib loogu eegay wixii qaldamay.
“Dhammaan dadka la reebay waxaa loo furay fursad cabasho, si ay usoo gudbiyaan wixii ay ka tabanayeen. Dadkii cabashadooda ay sax noqotay, waxaa loo ogolaaday iney imtixaanka galaan,” ayuu yiri Wasiirka.
Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa xusay in macalimiinta ku soo baxa imtixaanka qoraalka ah ay mari doonaan imtixaan kale oo afka ah, si loogu soo koobto tirada loo qorsheeyey. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in muhiimad gaar ah la siin doono gabdhaha imtixaanka galay.