Munaasabadda Xuska 26-ka June oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka

Munaasabada 26-ka June oo ah Munaasabad qiimo weyn ugu fadhida ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa ay ka mid tahay Munaasabadaha taariikhda dalkeena Soomaaliya qaaliga ku ah.

26-June 1960-kii Maanta oo kale ayaa markii ugu horeysay waxaa suurta galay in dhulka soomaaliyeed oo xor ah laga taago Calanka Jamauuriyadda Soomaaliya, ka dib markii gumeytihii Ingiriiska uu oggolaaday in uu xoriyada siiyo Gobolada Waqooyi ee dalka.

Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa waxaa xalay lagu qabtay munaasabad lagu xusayay 62 guuradii ka soo wareegtay markii ay xorriyadda qaateen gobollada waqooyi ee Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Saqdii dhexe ee habeenimadii 26-kii June 1960, iyadoo fagaaraha bartamaha Magaalada Hargeysa xilliga 12-ka habeenimo laga taagay Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana halkaas lagu saaray Calankii Soomaaliyeed iyo dabaal deg weyn oo loo sameeyay maalintaas.

Dadweyne farabadan oo watay calanka Soomaaliya ayaa xalay isugu soo baxay fagaaraha daljirka daah-soon ee degmada Boondheere, iyagoona halkaas ugu dabaal-degayey munaasabadda lagu xusayay 62 guuradii ka soo wareegtay markii ay xorriyadda qaateen gobollada waqooyi ee Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor