Maanta ayaa lagu jiraa maalintii labaad ee Munaasabadda Ciidul Adxaa, iyadoo si weyn looga ciidayo magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobollada dalka Soomaaliya. Farxadda ciida ayaa si gaar ah looga dareemayaa caasimadda, halkaas oo kumannaan qof ay u dareereen goobaha dalxiiska iyo madadaalada.
Inkastoo dalal Muslim ah qaarkood maanta ay tahay maalinta koowaad ee ciida, haddana Soomaaliya iyo dalal kale oo badan oo Muslimiin ah ayaa shalay si rasmi ah u oogay Salaadda Ciidul Adxaa.
Goobaha dalxiiska ee caanka ah ee Muqdisho, sida Liido, Jazeera, iyo Beerta Nabadda, ayaa maanta si aad ah u camiran, iyadoo boqolaal qof ay halkaas ugu damaashaadayaan farxadda ciidda. Dadkaasi ayaa isugu jira carruur, waalidiin iyo lamaanayaal u baxay nasasho iyo dabaaldeg.
Shalay oo ahayd maalinta koowaad ee Ciidda, ayaa madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyadu ay shacabka Soomaaliyeed kala qeybgaleen Salaadda Ciidda, iyaga oo ugu baaqay midnimo, nabad iyo is cafin.