HomeWararMunaasabada xuska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo Muqdisho ka dhaceysa

Munaasabada xuska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo Muqdisho ka dhaceysa

Date:

Related stories

Maxamed Ordaaye: Sidee Muwaadin reer Togdheer ah u qabsaday Caalamka isagoo aan hadlin?

Maxamed Ordaaye, oo ah wiil Soomaaliyeed oo ku nool deegaanka Duruqsi,

Hawiye Elders Meet Opposition in Mogadishu as Term-End Crisis Deepens

Opposition politicians and traditional Hawiye elders have convened in Mogadishu for a critical meeting aimed at de-escalating political tensions and forging a consensus on the country's electoral future. The talks come as Somalia faces a potential constitutional crisis with presidential and parliamentary mandates nearing their end.

Guddiga Dastuurka oo soo saaray Amar ku aaddan in Wasiirradu banneeyaan xilalka Baarlamaanka

Guddoomiye Avv. Burhaan Aadan Cumar ayaa soo saaray war-saxaafadeed wasiirrada looga dalbanayo inay banneeyaan xilalka ay ku dhex leeyihiin Baarlamaanka.

Gariirka Siyaasadda Muqdisho: Maxaa looga hadlay shirkii Sheikh Sharif iyo Odayaasha Hawiye

Siyaasiyiinta mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay hoyga Sheikh Sharif Sheikh Ahmed.

Dastuurka Cusub iyo Saameyntiisa: Wasiirradii isku hayay labada xil oo wajahaya xaalad adag

Dowladda Federaalka ayaa soo saartay amar wasiirrada loogu sheegayo inay kala doortaan xilkooda wasiirnimo iyo xubinimada baarlamaanka.

Maanta ayaa la filayaa in Magaalada Muqdisho iyo Guud ahaan inta badan Gobolada dalka Soomaaliya in lagu qabto Munaasabad lagu maamuusayo 74-Guuradii ka soo wareegtay markii la’aas aasay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Munaasabada xuska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeybgeli doono madax uu ka mid yahay madaxweyne Farmaajo,Saraakiil Ciidan, Wasiiro, xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Munaasabada ayaa Ciidmada booliiska Soomaaliyeed waxa ay ku soo bandhigi doonaan Gaada ka ciyaar, iyada oo Goobta ay inta badan soo xaadiri doonaan Ciidamada ugu badan ee Booliiska Soomaaliya.

Waxaa munaasabada khudbad ka jeedin doono madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliya, iyaga oo diirada saari doono baahiyaha ay qabaan ciidanka iyo sidoo kale dib-udhis lagu sameeyo.

Ammaanka Guud ee Magaalada muqdisho ayaa maanta aad loo adkeeyay,waxaana lagu arkayaa ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo amniga xaqiijinaya,halka wadooyinka qaar ee Muqdisho ay xireen.

La-taliyaha arrimaha ciidanka Xoogga dalka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa hambalyo ku aadan Xuska Sanad guuradda Xilligii la aas-aasay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed  u diray Taliskaasi.

“Waxaan u hambalyeynayaa Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xiggeenka , Alifleyda, Dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo xaasaskooda Xuska Sanadguurada 74aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed 20 December 1943 awgeed oo ku beegan Maanta, Ciidanka Booliska waa laf dhabarka Bulshadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Sarreeye guud  bashiir Maxamed

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories