Munaasabad xil-wareejin ah oo Maanta lagu qabtay Garoowe

Munaasabad uu xilka kula wareegayay Agaasimaha cusub ee Laanta 6aad ee Puntland Md, Cabdullaahi Cusmaan Ismaaciil oo uu dhawaan xilkaas u magacaabay Agaasimaha Guud ee HSJ, Col, Maxamed Aadan Jimcaalle ( Koofi) ayaa maanta lagu qabtay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

Xilwareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Kuxigeenada Agaasimaha Guud Md, Cabduulaahi Xaaji Bashiir (Shiine) iyo Md, Xasan Cabdulqaadir Maxamed iyo Wasiirka Duulista Hawada, Wasiir kuxigeenla Amniga iyo Taliyaha Qeybta Dambi baarista ee Puntland.

Kuxigeenada Agaasimaha guud Md, Xasan Cabdulqaadir iyo Md, Cabdullaahi Xaaji Bashiir (Shiine) oo munaasabadda hadallo kooban ka jeediyeen ayaa waxay kula dardaarmeen Agaasimaha cusub ee Laanta 6aad in uu waajibaad kiisa shaqo u guto si daacadnimo ah islamarkaana uu si hufan ugu adeego muwaadiniinta Soomaaliyeed, dhanka kalena waxay saraakiisha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ku booriyeen Madaxda Kale inay iyaguna u fududeeyaan Agaasimaha cusub gudashada waajibaadka Shaqo ee loo idmaday.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media