Munaasabad lagu daahfuray Dekedda Kalluumeysiga Hobyo oo Soo gaba-gabowday

Qorshaha dhismaha Dekedda Kalluumeysi waxa uu soo socday muddo 3 Sanno ah, laakiin Dakadaha Galmudug.

Cabdi Saabir Nuur Shuuriye wuxuu intii uu joogay xafiiska waqti badan galiyey in si hufan loogu tartamo howsha dhismaha, lana bilaabo howsha dhismaha.

Dekeddan waxaa maalgalinaya Dowladda Talyaaniga, iyagoo soo marsiiyey WFP, waxaana dhisaya shirkadda Global Link.

Dekeddan oo ay ku xiran karaan doomaha dhererkoodu yahay ugu badnaan 20 mitir, ayaa waxa aan rajaynaynaa in uu dhismaheedu ku soo dhammaado muddo Lix (6) bil ah, waxa aan sidoo kale si kumeel-gaar ah loogu adeegsan karaa Dekeddan baahiyaha kale.

Dekeddan Kalluumeysi waxa ay suurtagelin doontaa horumarinta kalluumeysiga Galmudug, qeyb muhiim ahna ka qaadan doontaa shaqo abuurka dhalinyarada.

Dhinaca kale waxaa dhammaadka bishan dalka soo gaari doona Injineero ka socda Shirkadda Oriental Terminal oo hordhaca u ahaa dhismihii Dekadda weyn ee Hobyo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media