Mukhtaar Roobow oo ka mid noqday Wasiirada Xukuumadda RW Xamse Barre

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abumansuur ayaa kuoo baxay liiska Golaha Wasiirada Cusub ee Xukuumadda RW waasare Xamse Cabdi Barre, kuwaasi oo goordhawyed si rasmi ah loogu dhawaaqay.

Mukhtaar Roobow ayaa loo Magacaabay Wasiiraka Awqaafta iyo arrimaha diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Mukhtaar oo horay uga tirsanaa jiray Dagaalayaasha Al-Shabaab, kana mid ahaa Xubnihii ugu sarreeyay ayaa shaaciyay in mar hore uu isaga baxay Al-Shabaab.

Waxaana sanadihii ugu dambeeyay uu ahaa maxbuus u xiran dowladdii Farmaajo, kadib markii ay kasoo xirtay magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay, xili uu u taagnaa Xilka Maadxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya.

Wararka ku aaddan magacaabistiisa ayaa malmihii ugu dambeeyay hadal heyn weyn dhaliyay, iyadoo si weyn la iskula dhex-marayay aragtiyo kala duwan oo ku aaddan Roobow.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor