• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, August 21, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Caalamka

Mukhalas Somali geystay dil iyo kufsi, sheegtayna inuusan Muslim ahayn oo lagu maxkamadayn doono Talyaaniga.

Dalsan Editor by Dalsan Editor
January 19, 2017
in Caalamka, Warar
Reading Time: 4 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Dacwad-oogayaasha Talyaaniga ayaa soo dhamaystiray  Warbixin ka kooban 40-bog oo muujinaysa Tacadiyo uu geystay Nin Somali oo lagu magacaabo Cismaan Maxamuud oo 22-jir ah, kaasi oo la shaqeysan jirey Kooxaha Ma-gefayaasha Liibiya.

Ninkaasi ayaa la sheegay inuu Qaxooti ahaan bilowgii bishii September ee sannadkii hore  dooni ku soo galay Jersiiradda Sicily ee Talyaaniga, waxaana isla bishaas 26-da  lagu qabtay Xero ku taalla magaalladda Milan, kadib, markii ay aqoonsdeen dadkii Dhibanayaasha ee uu ku soo  waxyeeleeyey gudaha dalka Libya.

Dhowr haween Soomaali ah ayaa u sheegay Baarayaasha Talyaaniga inuu kufsaday Eedeysanahaasi oo ka tirsanaa Kooxda Ma-gefayaasha Liibiya ee Tahriibayaasha ku tacdiya, waxayna intaasi ku dareen in Cusmaan Maxamuud ku khasbay inay Reerahooda la hadlaan, si loo bixiyo lacag madax furasho oo dhan 7,000 oo Dollar.

Eedeysanaha ayaa la tilmaamay inuu dadka Tahriibayaasha ku dhibatayn jirey Xero ku taalla Degmadda Bani Waliid oo 100-mayl dhanka K/bari kaga toosan Caasimadda dalka Libya ee Tripoli.

Dacwad-oogyaasha waxay  Eedeysanaha ku tilmaameen  sidii Waardiye ka shaqeeya Xeradda Naaziyiinta ee ay dadka ku hayn jireen.

“Ma ahi Somali, ma ahi Muslim, waxaan ahay Madaxdiina” ayuu yiri Eedeysanaha sida ay ka soo xigteen Qaxootiga markii ay gaareen Xeradda Ma-gefayaasha ku leeyihiin Liibiya.

Qaar ka mid ah Qaxootiga Soomaalida waxay Eedeysanaha ku tilmaameen Arxan-laawe tacadiyo u geystay, iyadoo mid ka mid ah Qaxootiga tilmaamay inuu Baco Balaastiko ah dhabarka kaga dhalaalin jirey Qaxootiga.
Gabar da’da Tobanadka ku jirta ayaa u sheegtay Dacwad-oogayaasha Milan inuu dhowr jeer ku kufsaday Xeradda Ma-gefayaasha Liibiya, halka gabar kale oo 17-jir ah  sheegtay inta ay Qoyskeeda la halgamayeen  Lacagaha Madax-furashadda inuu Eedeysanaha ku khasbay inay la seexato, isla markaana uu dhibaateeyey habeenkaas.

Faysal Caabi Shaafici oo isaga muddo 2 bilood ku xirnaa Xeradda Ma-gefayaasha ku leeyihiin Degmadda Bani Waliid ee Libya ayaa sheegay inuu Eedeysanuhu si joogto ah ugu jir dili jirey bir weyn, isla markaana laadi jirey.

“Hal waqti ayuu si xun ii garaacay dhowr jeer ilaa aan ka hunqaaco dhiig” ayuu yiri Faysal Caabi Shaafici oo intasi ku daray inuu Eedeysanuhu ku goodin jirey in la dilayo Tahriibayaasha, haddii ay Waalidkooda ku fashilmaan inay Lacago u soo diraan Ma-gefyaasha.

Dhinaca kale, Madaxa Baarayaasha Dembiyadda ee magaalladda Milan ee dalka Talyaaniga, Ilda Boccassini waxay tilmaamay in Eedeysanahaasi hororka ah aqoonsadeen ugu yaraan 10 Markhaati oo kala duwan.

Ilda Boccassini oo leh Khibrad 40-sanno, isla markana ka qeyb gashay Dagaalka lagula jiray Maafiyadda Talyaaniga ayaa sheegtay inaysan marnaba la kulmin Horornimo noocan ah oo ka socota Xeradda Bani Waliid  iyo dhamaan Xeryaha Transit-ka ee ku yaalla dalka Libya.

Dembi-baarayaal kale oo lagu kala magacaabo Francesco Greco iyo Marcello Tatangelo ayaa sheegay inay Xeryaha Libya yihiin meel ay qiimaha nolosha ka hooseyso Eber iyo in Xeryaha Tahriibayaasha lagu hayo la mid tahay Xeradda Naasiyiinta dadka ku silcin jireen.

Si Kastaba ha ahaatee, Eedeysanaha Cismaan Maxamuud oo haatan ku jira Xabsiga ayaa la filayaa in berrito oo Jimco ah mar kale su’aalo la weydiiyo, isagoo loo haysto Dilka 4 Tahriibayaal, Kufsi-wadareed, Jir-dil iyo Afduub.

Xigasho: The Telegraph

©Radio Dalsan

Previous Post

Kooxda Al-muraabituun oo sheegatay Is-qarxintii shalay ka dhacday Wasqooyiga dalka Maali.

Next Post

Jarmalka oo dib-u-eegis ku samaynayo Boqolaal Magangelyo-doon ah oo laga cabsi qabo.

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga ka jaray mashaariic laga fuliyay Galmudug.
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga ka jaray mashaariic laga fuliyay Galmudug.

August 20, 2025
Waqtiga la dooranayo Guddoonka Baarlaamka Maamulka Waqooyi Barri oo la shaaciyay.
Warar

Waqtiga la dooranayo Guddoonka Baarlaamka Maamulka Waqooyi Barri oo la shaaciyay.

August 19, 2025
Madaxweyne Deni oo Isimada Sanaag iyo Haylaan Kula Kulmaya Boosaaso
Warar

Madaxweyne Deni oo Isimada Sanaag iyo Haylaan Kula Kulmaya Boosaaso

August 19, 2025
Wasiirka Gaashaandhiga oo sheegtay in dilay xubno badan oo ka tirsan Al-shabaab
Warar

Wasiirka Gaashaandhiga oo sheegtay in dilay xubno badan oo ka tirsan Al-shabaab

August 19, 2025
Xamaas oo Aqbashay Xabbad-joojin Cusub
Caalamka

Xamaas oo Aqbashay Xabbad-joojin Cusub

August 19, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Safar Shaqo ku Tegaya Dhuusamareeb
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Safar Shaqo ku Tegaya Dhuusamareeb

August 18, 2025
Next Post

Jarmalka oo dib-u-eegis ku samaynayo Boqolaal Magangelyo-doon ah oo laga cabsi qabo.

Somalia’s Leader Intensifies Rhetoric Against Opposition Amid Reform Dispute

Somalia’s Leader Intensifies Rhetoric Against Opposition Amid Reform Dispute

by Liban
August 21, 2025
0

Dhuusamareeb, Somalia – Somali President Hassan Sheikh Mohamud has launched a scathing attack on opposition leaders, accusing them of derailing...

The Northeast Power Struggle: Contest Between the Right Bloc and the Left Coalition

The Northeast Power Struggle: Contest Between the Right Bloc and the Left Coalition

by Liban
August 21, 2025
0

The recent announcement of the new parliamentary list for the Northeast Federal State of Somalia has ignited the region’s first...

The Step That Changed Somalia’s Destiny: How Erdogan’s 2011 Visit Reshaped Relations Forever

The Step That Changed Somalia’s Destiny: How Erdogan’s 2011 Visit Reshaped Relations Forever

by Liban
August 21, 2025
0

Ankara/Mogadishu — Fourteen years ago, Turkish President Recep Tayyip Erdogan made a decision that Somali officials say forever altered the...

Somali President Inaugurates Development Projects in Galmudug

Somali President Inaugurates Development Projects in Galmudug

by Liban
August 21, 2025
0

Dhusamareeb, Somalia — Somali President Hassan Sheikh Mohamud, alongside Galmudug regional leader Ahmed Abdi Kariye,(Qoorqoor) on Wednesday inaugurated the Nagaad...

Somalia’s Leader Intensifies Rhetoric Against Opposition Amid Reform Dispute
English News

Somalia’s Leader Intensifies Rhetoric Against Opposition Amid Reform Dispute

August 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
The Northeast Power Struggle: Contest Between the Right Bloc and the Left Coalition
English News

The Northeast Power Struggle: Contest Between the Right Bloc and the Left Coalition

August 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
The Step That Changed Somalia’s Destiny: How Erdogan’s 2011 Visit Reshaped Relations Forever
English News

The Step That Changed Somalia’s Destiny: How Erdogan’s 2011 Visit Reshaped Relations Forever

August 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somali President Inaugurates Development Projects in Galmudug
English News

Somali President Inaugurates Development Projects in Galmudug

August 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga ka jaray mashaariic laga fuliyay Galmudug.
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga ka jaray mashaariic laga fuliyay Galmudug.

August 20, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
China Unveils Special Visa to Draw Young Tech Talent
English News

China Unveils Special Visa to Draw Young Tech Talent

August 20, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia’s Leader Intensifies Rhetoric Against Opposition Amid Reform Dispute
  • The Northeast Power Struggle: Contest Between the Right Bloc and the Left Coalition
  • The Step That Changed Somalia’s Destiny: How Erdogan’s 2011 Visit Reshaped Relations Forever
  • Somali President Inaugurates Development Projects in Galmudug

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00