Muhaajiriin Soomaali iyo Ethiopian oo ay Dooni kula degtay xeebaha dalka Yemen

Wakaalladda Wararka AP ayaa soo werisay in dooni ay la socdeen 160 qof oo isugu jiray Soomaali iyo Ethiopian shalay ku degtay meel ka baxsan Xeebaha Koonfureed ee dalkaasi.

Saraakiil ka tirsan Ciiddanka Ammaanka Yemen iyo Hoggaamiyayaasha Qabaa’ilka ayaa sheegay inay Doonidaasi ku degtay meel ka baxsan Xeebaha Gobalka Shabwa ee Koonfurta dalkaasi, mana kala cadda inta u ula eg yahay Khasaarahaasi iyo haddii wax Muhaajiriin ah la soo badbaadiyey.

Doonidaasi degtay ayaa la sheegay inay Khamiistii hore ka soo shiraacatay Dekedda magaalladda Bosaaso, waxana la socday 100 Somali iyo 60 Ethiopian oo ay ku jireen Haween iyo Carruur.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay oo ay Dooni ay la socdeen Muhaajiriin ku degto Xeebaah dalka Yemen, mana jirto Dowlad Dhexe oo Awood leh oo ka hor tegi karta Dadka sida sharci-darradda naftooda ugu biimeeya Tahriibka Badda ee ay ugu socdaalaan Xeebaha dalka Yemen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor