Muhaajiriin la soo badbaadiyey iyo kuwo ku geeriyooday Xeebaha Tunisia

Maydadka 2 Muhaajiriin ayaa la soo helay, halka 20 kale weli la la’ yahay, kadib, markii ay dooni ku degtay meel ka baxsan Xeebaha dalka Tunisia.

Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee dalkaasi waxay soo badbaadiyeen 109 qof oo Muhajiriin ah oo badankooda ka soo jeeda dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika.

Wasaaradda Difaaca ee dalka Tunuisa ayaa sheegtay inay Kooxaha wax badbaadiya dhacdo kale ku soo badbaadiyeen 70 Muhaajiriin oo u dhashay Sudan iyo Eritrea iyo mid u dhashay dalka Masar.

 

Muhaajiriintaasi waxay Saraakiisha u sheegeen inay labo habeen ka hor ka soo shiraacdeen magaalldda Xeebta leh ee Zuwaara ee dalka Libiya.

Dhinaca kale, Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM waxay sheegtay inay 20 Muhaajiriin ku geeriyootay ama lagu la’ yahay shil badeedkii habeen hore ka dhacay Xeebaha dalka Tunisia.

 

Bartamihii bishii hore ee May, 50 Muhaajiriin ah ayaa ku dhintay dooni ku degtay meel ka baxsan Xeebaha dalka Tunisia, halka 100 kalena la soo badbaadiyey dabayaaqada bishii la soo dhaafay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor