HomeCaalamkaMuhaajiriin ku geeriyootay Badda Turkiga

Muhaajiriin ku geeriyootay Badda Turkiga

Date:

Related stories

Muqdisho: Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay ‘Wadnaha’ Dhaqaalaha Badda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay xarunta cusub ee Wasaaradda Dekedaha, isagoo ku dhawaaqay qorshe cusub oo lagu sugayo amniga badda iyo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah.

Dekedaha Iiraan iyo Cadaadiska Trump: Ma la gaaray xilligii xabbad joojin rasmi ah mise waa xeelad cusub?

Donald Trump oo go'aan layaab leh ka qaatay Iiraan: Xabbad-joojin la kordhiyay iyo xanibaado cusub oo lagu adkeeyay dekedaha.

NISA Confirms Airstrike in Guulane Kills Al-Shabaab Members

The first operation targeted a house where Al-Shabaab leaders and militiamen were stationed. At least 15 members were killed in the strike. The militants' base was also destroyed, which they had been using to organize militias and plan acts of destabilization.

Iiraan oo awooddeeda tustay caalamka xilli xabbad-joojin la hadal hayo.

Iiraan oo soo bandhigtay gantaal gaaraya 2,000 KM xilli la hadal hayo xabbad-joojin uu ku dhowaaqay Donald Trump.

Turkey Expands Its Role in Counterterrorism Operations in Somalia

"Türkiye will directly support the efforts of Somali forces against Al-Shabaab and ISIS," Fidan said, elaborating on plans to expand security cooperation and counterterrorism operations.

Ugu yaraan 7 qof oo ay ku jireen 5 carruur ah ayaa geeriyootay, kadib, markii ay doonidii ay la socdeen shalay ku degtay meel ka baxsan Xeebaha Gobalka Balikesir ee Galbeedka dalkaasi

Ilaaladda Xeebaha Turkiga ayaa sheegay inay heleen war ku aadan in Dooni ay la socdeen Muhaajiriin degtay, isla markaana ay bilaabeen Hawlgalka Baadi-goobka iyo Badbaadinta dadka ay la degtay doonida,

Waxay sheegeen inay soo badbaadiyeen 5 qof oo nool, soona saareen maydadka 9 qof oo kala ahaa  4 haween iyo 5 carruur .

Doonida degtay waxaa la sheegay inay la socdeen 17 qof oo Muhaajiriin ah, kuwaasi oo ku sii jeeday Xeebaha dalka Giriigga.

Lama shaacinin dalalka ay ka soo kala jeedaan Muhaajiriinta ku gereiyootay iyo kuwa laga so obadbaadiyey Doonidii shalay ku degtay meel ka baxsan Xeebaha dalka Turkiga.

Dhinaca kale, Hay’addaha Ammaanka ee dalka Turkiga waxay sheegeen inay Hawlgal ku soo qabteen iugu yaraan 550 Muhaajiriin ku sugnaa Gobalka Edrine ee W/galbeed ee dalkaasi.

Sida laga soo xigtay Ilo dhanka Ammaanka ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka Jendermariiga iyo kuwa ilaaladda Xuduudaha waxay qaadeen Hawlgal ay ka fuliyeen  Degmooyinka Ipsala, Merik, Kesan Iyo Uzunkobru oo ka tirsan Gobalka Edrine.

Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolui ayaa sheegtay in Muhaajiriinta lagu soo xiray Hawlgalladaasi ayaa la sheegay inay ka soo kala jeedaan dalalka Somalia, Morooko, Syria, Iraq, Iran, Pakistan, Afganistan iyo Bangaladesh.

Muhaajiriintaasi la xiray ayaa la sheegay in la qabtay, xilli ay doonayeen inay tahriib ahaan ugu sii gudbaan dalalka Europe.

Ilaa 268,000 ooTahriibayaal ah ayaa lagu qabtay Turkiga Tan iyo sannadkii 2018-kii, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Turkiga.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories