Muhaajiriin ay Soomaali ku jirto oo ka badbaaday Duqeyntii Tripoli oo cuntada ka sooman

Qaxootigii ka badbaaday duqeyntii diyaaradaha ee habeenkii Talaadada ee isbuucii hore  lala beegsaday Xarunta Muhaajiriinta lagu hayo ee Tajoora ee Bariga caasimadda dalka Libiya ee Tripoli ayaa dhigay Dibadbax ay ku codsadeenin sida ugu dhaqsaha badan looga daad-gureeyo Xaruntaasi.

Ugu yaraan 60 qof ayaa lagu dilay duqeyntaasi oo lagu eedeeyey inay fuliyeen Diyaaradaha Dagaalka ee Marshal Khaliifa Xaftar.

Tan iyo markii la duqeeyey Xeradaasi, boqolaal Muhaajiriin iyo Qaxooti ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Sudan Ethiopia iyo Eritrea iyo dalal kale ayaa la sheegay inay seexdaan bannaanka Xarunta dadka lagu hayo ee Tajuura.

Dadkaasi waxay ka baqanayaan in mar kale duqeyn lala so obeegsado Xrauntaasi oo ku taalla meel ku dhow Xerooyinka Milliteriga ee Dowladda Liibiya ee ay QM aqoonsan tahay.

Lix ka mid ah Muhaajiriintii ka badbaaday duqeyntaasi oo weli ku sugan Xarunta Tajuura ayaa waxay Khadka Telefoonka kula xiriireen Telefishinka Aljazeera, waxayna sheegeen in qaar ka mid ah Muhaajiriinta ay ku dhaqaaqeen cunto-ka-soomid.

“Waxaan cuno waxaa inoogu dambaysay shalay subax. Waxaan ku jiri doonaa cunto-ka-soomid ilaa go’aanlaga gaarayo cabashadooda” ayuu yiri mid ka mid ah Muhaajiriinta la xiriirtay Aljazeera TV ee codsaday inaan magacyadooda la shaacinin.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan doonaynin cunto, ee xalka keliya u uyahay in loo daad-gureeyo goob kale oo ammaan ah.

Muhaajiriinta waxay kaloo sheegeen inay Ilaaladda Xarunta Tajuura ku khasbeen inay gudaha u galaan dhismahaasi oo u dhow Deegaan lagu kaydiyo Hubka.

Mar ay Aljazeera barta Facebook-ga kula xiriireen xiriirtay Afhayeenka Xarunta muhaajiriinta lagu hayo ee Tajuura waxa uu xaqiijiyey inay Muhaajiriinta diidan inay gudaha u galaan dhismahaasi, balse, waxa uu beeniyey inuu Bakhaar lagu kaydiyo hubka u dhow yahay Xarunta Tajuura.

Aljazeera waxaa loo soo diray Cod laga maqli karo in laga maqli karo Ilaaladda oo tooganaysa Qaxootiga, kuna khasbaysa inay gudaha u galaan Xarunta Tajuura.

Qaxooti u dhashay Suudaan ayaa u sheegay Aljazeera TV in meesha lagu hayo ay u  dhow yihiin 3 Bakhaar oo lagu kaydiyo hubka.

Qaxooti kale oo u dhashay Eritrea ayaa isagana u sheegay Aljazeera inay maqlayaan duqeyn ay  diyaaradaha u geysteen meel 400 ilaa 500 oo mitir u jirta xarunta lagu hayo Muhaajiriinta ee Tajuura ee bariga magaalladda Tripoli.

Muhaajiriinta badbaaday waxay ku gacan sayreen qorshe ay Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ku doonaysay in 58 ka mid ah Muhajairiinta inay u wareejiyaan Xarun ay UNHCR ku leedahay qeybta ammaanka ee Tripoli.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media