Muhaajiriin Afrikaan ah oo Doon ay kula degtay badda Mediterranean-ka

Ugu yaraan 20 muhaajiriin ah ayaa dhintay ka dib markii doon ay la socdeen ay kula degtay badda Mediterranean-ka ee ka baxsan xeebaha Tunisia, sida ay saraakiishu sheegeen.

Doonyaha ilaalada xeebaha ee Tunisia ayaa meydadka ka soo saaray magaalo xeebeedka Sfax ee bartamaha Tunisia maalintii Khamiista.

Waxaa weli socda baadigoob loogu jira ugu yaraan 20 qof oo kale oo wali la la’yahay, halka shan qofna la soo badbaadiyay.

Doonta oo ay la socdeen dad tiradooda lagu qiyaasay 45 qof ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen wadamada ka hooseeya Saxaraha Afrika, waxaana ay doonayeen in ay gaaraan dalka Talyaaniga.

Kumanaan muhaajiriin ah ayaa sanad walba iskudaya in ay ka gudbaan badda Mediterranean-ka si ay ugu sii gaaraan Yurub, iyadoo qaybo ka mid ah Tunisia iyo Libya ay yihiin goobo muhiim ah oo ay ka baxaan dadka muhaajiriinta ah ee naftooda halliga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media