Muddo xileedkii Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya oo Maanta dhammaaday

Waxaa Maanta gebi ahaan soo idlaaday muddo xileedkii Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo xilka loo dhaariyey Maanta oo kale afar sanno kahor 27 December 2016.

Intii uu shaqeynayay Baarlamaanka 10-aad ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa uu qabtay howlo shaqo oo badan oo ay yihiin Ansixinta Hinse sharciyeedyo kala duwan u ah dowladda Federaalka.

Dadka falanqeya Arrimaha siyaasadda dalka ayaa qaba in Baarlamaankan uu ku fashilmay shaqooyin dhowr ah oo laga doonayay inuu qabto, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen dhameystirka Dastuurka dalka iyo qabashada doorasho qof iyo Cod ah.

Baarlamaanka 1-0aad ee waqtigiisu dhammaaday Maanta oo taariikhdu ay ku beegsan tahay 27 December sanadka 2020 ayaa xilka sii heynaya illaa laga dhaariyo Baarlamaanka 11-aad, si  aysan u dhicin firaaq hey’addaha Dastuuriga.

Muran xoogan ayaa weli ka taagan doorashada dalka ka dhaceysa dhammaadka sanadkaan 2020/2021, waxaana murankaas uu ka dhashay Guddiyada la magacaabay oo kasoo horjeedan Musharaxiinta Madaxweynaha iyo maamulada Puntland iyo Puntland.

Musharaxiinta ayaa Guddiyada ee la magacaabay ku tilmaamay inay ku jiraan xubno ka tirsan Hay’adda NISA iyo shaqaalaha dowladda, taasina ay tahay in aan lagu aamini karin doorashada, waxaaana Madaxweyne Farmaajo ay ku eedeeyeen inuu boobayo Doorashada oo uusan diyaar u aheyn qabashada Doorasho xor iyo xalaal ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media