Muddada Howlgalka UNSOM ee Soomaaliya oo la kordhiyay

Kaddib dib u eegistii istaraatiijiyadeed ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ku sameeyay Howlgalka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Golaha Ammaanka ayaa kordhiyey muddadii hawlgalka ee ay ka wadeen Soomaaliya iyada oo lagu daray hal sano oo cusub.

Xubnaha golaha ayaa sida oo kale cambaareeyay weerarkii  labo maalmood ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho.Goluhu waxa uu ka codsaday UNSOM in ay ilaaliso isla mar ahaantaana xoojiso joogitaankeeda guud ahaan Soomaaliya iyo in ay sii wadaan wada shaqeynta ay la leeyihiin dalkaas iyo howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS).

Waxaa goobta ku sugnaa oo ka hadlay safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cusmaan Baalle oo mahadcelin kaddib sheegay in Qaramada Midoobay looga baahan yahay inay dib u cusboonaysiiso ballan qaadkeeda ku wajahan shacabka Soomaaliyeed, ayna xoojiso isku xirka hay’adaha kala duwan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor