Mudaharaad mar kale maanta dib uga billawday Magaalada Laascaanood

Waxaa magaalaada Laascaanood ee xarunata Gobolka Sool ka dhacay banaaanbaxyo waa weyn, kuwaasi oo ay dhigeen dadka degaanka.

Mudaharaadka oo ahaa mid ay dhigayaan shacab caaraysan ayaa waxaa uu maanta markale dib uga bilaamay Laascaanood, iyadoo ay xusid mudan tahay in shalay magaalaadasi ay ka dhaceen mudaharaadyo khasaare dhaliyay.

Waddooyinka waa weyn ee Laascaanood ayaa saakay lagu arkayay boqolaal shacab ah oo caraysan, kuwaasi oo ka cabanaya dhibaatoooyinka dilalku ugu horreeyaan ee lagu hayo dadka waxgalka ah eek u nool Magaaladaasi.

Mudaharadkii shalay ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaaana dadka caraysan ay weerar ku qaadeen goobo gacansi kuwaasi oo ay bur-buriyeen.

Arrintaan ayaa timid kadib markii Magaaladaasi ay ku bateen dilalka joogtada ah ee lagu hayo dadka Haldoorka ah ee magaaladaasi, kuwaasi oo kooxo hubaysan ay inta dilaan kadibna ka baxsadaan,.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor