Mucaaradka Somaliland oo eedeyn kulul u jeediyay Muuse Biixi kuna baaqay Doorasho

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Soomaaliland ayaa waxaa shir ku yeeshay Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliland ee Wadani iyo UCID, waxana inta uu shirka socday looga hadlay xaalada maamulkaas.

Guddoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Ciro oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay inuu noqday keligii-taliye, isla markaana uu burburtay dowladnimadii Maamulka.

Sidoo kale Guddoomiye Ciro ayaa waxaa uu tilmaamay in xaalada deegaanada Somaliland haatan ay mareyso meel xun uuna Muuse Biixi burburiyay Dastuurka u degsan Somaliland.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha Xisbiga Wadani ayaa waxaa uu ku baaqay in la qabto Doorasho Madaxweyne oo deg deg ah sanadkaan gudihiisa, wuxuuna Muuse Bixii uu xusay inuu ku fashilmay xilka.

Si kastaba Khilaafka u dhexeeya Xisbiyada Mucaaradka ee Somaliland iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa circa isku shareeray, waxaana labada Xisbi ay kasoo horjeedan Siyaasada Muuse Biixi.

Comments
Loading...