HomeWararMucaaradka oo ku kala qeybsamay qaabkii loo kala saaray xubnaha Guddiyada ee...

Mucaaradka oo ku kala qeybsamay qaabkii loo kala saaray xubnaha Guddiyada ee cabashada laga keenay

Date:

Related stories

Dagaalka Romero: Real Madrid, Atletico iyo Man Utd oo isku eryanaya kabtanka Tottenham

Cristian Romero ayaa laga yaabaa inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Tottenham ka dib dhaawac jilibka ah iyo kooxda oo u laabanaysa Championship-ka.

Ruto Lands 8 Major Deals in Rome as Kenya, Italy Sign New Action Plan

President William Ruto's state visit to Italy has yielded eight new agreements, cementing a three-year action plan with Rome. The wide-ranging deal covers everything from military cooperation and AI to restoring the Cherangany Forest and upskilling Kenya's youth.

Nairobi: Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka UN-Habitat ee horumarinta magaalooyinka

Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowle Saciid Xayd ayaa Nairobi kaga qayb galay kalfadhiga UN-Habitat.

Soomaaliya iyo Isku-tashiga: Xarunta Tamarta iyo Biyaha oo loo dhisay qaab casri ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray xarun casri ah oo ay yeelanayso Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.

Sidee Turkigu u Qodayaa Ceelka Curad-1 ee Badda Soomaaliya? Sirta Qalabka Waaweyn!

Mashruuca Curad-1 waa wejigii koowaad ee Soomaaliya ay ku noqonayso waddan shidaal soo saara.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame kana tirsan Midowga Musharaxiinta ayaa kasoo horjeeystay qaabkii ay Guddiga xaqiijinta Xukuumadda u kala saareen xubnihii Guddiyada doorashooyinka ee horey cabashada looga keenay.

C/raxmaan C/Shakuur oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheega in hannaanka loo maray turxaanbixinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo dowlad goboleed aysan ka duwaneyn qaabkii marka hore loo soo magacaabay.

Siyaasiga ayaa sheegay in Midowga Musharaxiinta aan la tashi lagala sameeyn qaabka loo maray kala saaritaanka xubnaha cabashada laga soo gudbiyay, isla markaana waxaa uu xusay in aysan caddeyn hannaanka loo maray turxaan bixinta.

“Hannaanka loo maray turxaanbixinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo dowlad goboleed kama duwana habkii loo magacaabay. Xukuumadda iyadaa guddiyada soo magacaawday, iyadaa go’aansatay iney faafiso magacyada xubnaha tabashada laga qabo, caddeymaha iyada uunbaa heshay ama soo waysay” ayuu yiri siyaasiga.

Sidoo kale C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in badan xubnihii NISA ka tirsanaa, gaar ahaan kuwii dharcadda ahaa (Undercover) ay weli si xoog leh guddiyada ugu jiraan, isagoona Ra’iisul Wasaare Rooble ka codsaday inuu uu xallinta tabashooyinka u maro waddo sax ah.

“Waxaan aaminsanahay in inta badan xubnihii NISA ka tirsanaa, gaar ahaan kuwii dharcadda ahaa (Undercover) ay weli si xoog leh guddiyada ugu jiraan. Waxaan ka codsanaynaa Raysalwasaaraha in uu xallinta tabashooyinka u maro waddo sax ah oo daahfuran, hufnaan iyo dhexdhexaadnimo leh, si ay doorashadu u noqoto mid la isla ogolyahay” ayuu sii raaciyay qoraalkiisa C/raxmaan C/Shakuur.

Dhinaca kale Musharax Cabdikariin Xuseen Guuleed kana tirsan Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa uu ku soo dhaweeyay qaabka loo maray xalinta xubnihii Guddiyada doorashada ee cabashada laga qabay, isagoona boggaadiyay tallaabada ay qaaday Xukuumadda xilgaarsiinta.

“Waxaan soo dhaweynayaa go,aanka gudiga heer wasiir ee kala shaandheynta gudiga doorashooyinka. Anigoo u arka in ay gudigu dadaaleen, muujiyeena faafreeb ilaa xad lagu kalsoonaan karo.Waxaan soo jeedinayaa in hore loo socdo, si dalku u galo doorasho horseedda daganaasho iyo xasilooni siyaasadeed” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed .

Si kastaba waxaa muuqatada in Musharaxiinta Mucaaradka ay ku kala qeybsameen ka hadlay qaabkii Xukuumadda xilgaarsiinta u kala saareen xubniha Guddiyadii doorashada ee cabashada laga soo gudbiyay, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay yihiin shaqaale dowladood iyo NISA.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories