Warbixin ay Hay’adda Dhakhaatiirta aan Xuduudka Lahayn (Medecins Sans Frontieres (MSF) soo saartay ayaa lagu muujiyey inay inta badan Qaxootiga Soomaalida ku sugan Xerada Dhadhaab doonayn inay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo.
MSF waxay tilmaamay in 8 ka mid ah 10-kii Qaxootiga Soomaalida ku nool Xeradda Dhadhaab ka walaacsan yihiin haddii ay Somalia ku soo laabtaan inay la kulmaan Kufsi iyo inaysan helin Daryeel Caafimaad.
Hay’adda UNHCR iyo kuwa kale ee Caalamiga ayaa beeniyey Sheegashaddaasi, iyagoo tilmaamay inaysan Qaxootiga ku lug lahayn Eedeynta loo soo jeedinayo.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in ilaa 300,000 oo Qaxooti haysato dhibaato caafimaad, iyadoo carruurta yaryar khatar ugu jiraan Nafaqo-xumo iyo Infekshinadda keena cudduradda, sida Dabaysha (Polio).
MSF waxay intaasi ku daray inaan Carruurta ka yimaada Somalia ee soo gaara Kenya weligooda la siinin Tallaalka qorsheysan ee Carruurnimadda, iyadoo carruurta cusub ee soo gaara Xeradda Dhadhaab xanuun ka qaadaan cuddurka Jadeecadda.
3 ka mid ah 10-kii Qaxootiga Soomaalida ee ay MSF u kuur gashay waxat u baahan yihiin Daryeel Caafimaad, iyagoo la il daran yihiin cudduradda Neefta, Dhiig-karka iyo Macaanka (Diabetes).
MSF waxay ka digtay Khatarta Caafimaad ee ay la kulmi karaan haddii ay Daawada ka kala go’do Bukaanadda Qaxootiga ee la xanuunsan Cuddurka Qaaxadda (Tuberculosis).
MSF oo Cod-ururin ka qaaday Qxootiga ku sugan Dhadhaab yaa waxaa lagu soo ogaaday inuu Cuddurka Dhimirka si xoogan uga jiro Xeradda Dhadhaab, iyadoo 10-kii Qaxooti 2 ka mid ah ay u baahan yihiin Daryeelka dhinaca Dhirka (Mental health care), taasi oo aan inta badan si joogto ah looga helin gudaha Somalia.
Hay’adda Dhakhaatiirta aan Xuduudka Lahayn ee MSF waxay ugu baaqday Dowladda Kenya, QM iyo Deeq-bixiyayaasha inay garwaaqsadaan sidii xal kale loogu heli lahaa Qaxootiga Soomaalida ku jira Xeradda Dhadhaab.
MSF waxay soo jeedisay in Qaxootiga dib-u-dejin loogu sameeyo dal Saddexaad ama in Xerooyin Yaryar laga dhiso Kenya oo la maamuli karo.
Si kastaba ha ahaa ahaatee, Dowladda Kenya ayaa weli ku adkeysanayso inay sababo dhinaca Ammaanka ay ,bisha soo socoto ee November 30-da albaabadda isugu dhufan doonto Xeradda Dhadhaab oo ah tan ugu ballaaran Xerooyinka Qaxootiga ee ka furan Caalamka.
Dowladda Kenya waxay kaloo sheegataa iyagoo ku doodayo in Dhadhaab laga soo abaabulo Weeraradda Xarakadda Alshabaab ka geystaan gudaha Kenya, waa sida ay ku andacoodaan.
©Radio Dalsan