Mooshin ka dhan ah Xildhibaano ka tirsan Puntland oo socda + Magacyada

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa wada Mooshin ka dhan ah Xildhibaano ka tirsan Puntland oo khilaaf xoogan uu maalmihii lasoo dhaafay  kala dhexeeyay.

Guddoomiye Cabdirashiid Jibriil ayaa Mooshinka uu wado ku doonayo inuu 8 Xildhibaan xubnnimada Baarlamaanka Puntland uga saaro, iyadoona Mooshinka ay qeyb ka yihiin Xildhibaano Guddoonka taageersan.

Lama oga ilaa iyo hadda Xildhibaanada saxiixay Mooshinka xubnnimada Baarlamaanka Puntland lagu doonayo in looga saaro Xildhibaano dhowr, kuwaasi oo la tilmaamay inuu khilaaf kala dhexeeyo Guddoomiye Jibriil.

Maalmo kahor Xildhibaano la hadlay warbaahinta ayaa waxaa u sheegay in Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil uu Xarunta Baarlamaanka keensaday Ciidamo ay ku sheegeen inay yihiin Maleshiyaad ka amar qaata, isla markaana Guddoomiyaha kaliya u adeega.

Sidoo kale Xildhibaanada Puntland ayaa Guddoomiye Cabdirashiid Jibriil ku eedeeyay inuu laba u kala qeybiyay Mudanayaasha, iyagoona ugu baaqay inuu xilka iska Caslio, kadib markii  Xildhibaanada iyo Guddoomiyaha uu khilaaf soo kala dhex-galay.

Hoos ka Akhriso Magacyada Xildhibaanada Mooshinka laga wado.

Xil. Saleebaan Faarax.

Xil. Maxamuud Maxamed Barre,

Xil. Cabdiraxmaan Dhoorre,

Xil. Cabdiraxmaan Diiriye Carab,

Xil. Cabdi Jamaal Cismaan,

Xil. Cabdiqani Abshir Surato,

Xil. Gen. Baduugaaye,

Xil. Muuse Jajabsay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media