HomeWararMooshin Cusub oo loo gudbiyay Guddoonka Golaha Shacabka

Mooshin Cusub oo loo gudbiyay Guddoonka Golaha Shacabka

Date:

Related stories

Kuleylkii oo laga nastay: Roobka maanta ka da’ay Muqdisho oo dadku ku diirsadeen.

Dadweynaha oo si weyn u soo dhaweeyay nafiskan ka dib kulaylkii jiray.

Turkiga oo ka dhabeynaya ballantii: Ciidamada Soomaaliya oo helaya garab cusub oo toos ah.

Turkiga oo ballan-qaaday taageero toos ah oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Xog: Sirdoonka qaranka oo fashiliyay shirqool weyn oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Hay’adda NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal dhabbagal ah ka fulisay Shabeellaha Dhexe.

South West State Election Faces Imminent Delay

Meanwhile, several politicians are vying for the South West State presidency. The race is notably contested between the JPS party led by Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud and other candidates seeking the position.

Somalia Sets Sail for a Blue Economy Revolution

In a landmark ceremony yesterday in Mogadishu, President Hassan Sheikh Mohamud announced a strategic national shift to prioritize the country's immense, untapped marine resources, revealing that Somalia’s sea is twice the size of its land and will now form the backbone of economic development.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta la filayaa in kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xaruntooda Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Akhrinta Koowaad ee dib u eegista heshiisyadii ay horey u galeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga iyo Ajendayaal kale.

Waxaa xalay loo diray Xildhibaanada Golaha Shacabka fariimo ku aadan in Maanta oo Isniin ah uu jiro kulan, isla markaana looga baahan yahay inay ka soo qeyb galaan si loo dardargeliyo howlasho ee horyaalla Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale Xildhibaan Maxamed Xasan Idirrs oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa waxaa uu sheegay in Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mooshin loo gudbiyay.

Mooshinka ayuu Xildhibaan Maxamed Xasan Idirrs ku sheegay inuu yahay mid lagu dalbanaayo in tiradda Baarlamaanka Federaalka lagu daro 30 Xildhibaan oo dheeraad ah oo la gaarsiiyo 305 Xildhibaan.

Xildhibaan Maxamed Idirrs Ma shaacin tirada Xildhibaanada ku saxiixan Mooshinka loo gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka, hayeeshee warar la helayo ayaa sheegaya inay ku saxiixan yihiin in ka badan 60 Xildhibaan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories