Milliteriga Somalia oo lagu tilmamay Ciiddanka ugu tabarta yar ee Milliteriga Caalamka

Ciiddanka Xoogga Dalka Somali oo mar loo aqoonsanaa Libaaxyadda Afrika, ayaa waxaa la sheegay inay haatan Kaalinta Hoose kaga jiraan Liiska Qiimeynta Milliteriga Caalamka.

Hay’adda Caalamiga ee GFP International ee Takhasusuka u leh Hawlaha Milliteriga ayaa soo saartay Qiimeynta Sannadka 2015-ka, iyadoo la is-barbar dhigay Ciiddamadda dhulka, Badda iyo Cirka oo ka kala socday 162 Waddan.

Qiimeynta ayaa waxaa Kaalinta Koowaad ka galay Milliteriga Maraykanka,  waxaana ku xiga dalalka Raashiya, Shiinaha, Hindiya, Britain, Faransiiska, Koonfurta Kuurya, Jarmalka, Japan, Turkiga iyo Israel.

Qiimeyntaasi oo lagu soo daabacay Websaytka Hay’adda Caalamiga ee GFP International ayaa waxaa kaloo lagu xusay in Milliteriga dalka Masar yihiin Ciiddanka koowaad ee ugu sarreeya dalalka Afrika iyo kuwa Carabta, waxayna Milliteriga Masar kaalinta 18-aad kaga jiraan Qiimeynta Milliteriga Caalamka oo idil.

Qiimeynta Hay’adda GFP International waxay Warbixinteeda ku muujisay inay Milliteriga Somalia yihiin Ciiddanka ugu tabarta yar Ciiddamadda kale ee ka dhisan dalalka Caalamka.

Si kastaba ha ahaatee, Qiimeyntan ayaa ku soo beegantay, iyadoo ay Ciiddanka Soomaaliyeed ku nool yihiin nolol adag, isla markaana aysan haysanin Qalab Casri, Mushaar ku filan iyo Dhiirigelin Qaran toona.

© Radio DalsanXDS 1 xds 3

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor