Milliteriga Burundi oo ka soo horjeestay Qorsho lagu daad-gureynayo Ciidankooda jooga Somalia

Milliteriga Burundi oo ka soo horjeestay Qorshaha lagu daad-gureynayo Ciiddankooda qeybta ka ah AMISOM.

Afhayeenka Ciiddanka Burundi, Kolonel Floribert Biyereke waxa u ugaashaanka ku dhuftay Codsigii  Ururka Midowga Afrika ee ku aadan in 1,000 ka tirsan Askarta Burundi ee ka jooga Somalia in laga daad-gureeyo bisha Feberaayo 28-da ee sannadka soo socda ee 2019-ka.

War-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Milliteriga Burundi  waxa uu sheegay inay ka codsan doonaan Dowladooda sidii ay wada-xaajood  uga geli lahayd in si caddaalad leh  oo tiro isku mid ah Ciiddanka dalalka qeybta ka ah AMISOM looga daad-gureeyo Somalia, halkii ay AU-da ka beegsan lahayd in si gaar ah Ciiddanka Burundi looga saaro Somalia.

Dalka Burundi  waa Waddanka labaad ee ay Ciiddamadda ugu badan ee qeybta ka ah AMISOM, waxayna tiradooda gaaraysaa 5,400 Askari, waxayna ku xigtaa Ciiddanka Uganda oo ay 6,200 Askari ka joogaan Somalia.

Dhinaca kale, Qeylo-dhaanta ka soo yeertay Milliteriga Burundi waxay ka dambeysay kadib, Codsigii  Ururka Midowga Afrika  ee ku aadan in 1,000 oo ka tirsan Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM dib loogu celiyo dalkooda.

Si kastaba ka ahaatee, Milliteriga Burundi haddii lagu celiyo dalkooda hooyo waxay qaadanayaa mushaar aad uga yar kan ay ka qaataan Hawlgalka AMISOM.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor