Milkiilayaasha dhismo ay dad ku geeriyoodeen oo lagu xiray Bangaladesh

Booliska dalkaasi waxay sheegeen inay Xabsiga dhigeen Labo ka mid ah Milkiilayaasha Dhismo ka koobnaa 22 Dabaq oo uu isbuucii hore dab ka kacay, kuna  geeriyoodeen 26-qof, halka ay 60 kalena ku dhaawacmeen.

Kaaliyaha Taliyaha Booliska dalkaasi, Cabdul Baten ayaa u sheegay Weriyayaasha in Milkiilayaasha la xiray lagu kala magacaabo S.M.H. Faaruuq iyo Tasvirul Islaam.

Dhismaahaasi oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Dhaka waxaa la sheegay in la dhisay saannadihii 1990-aadkii, waxayna Boliska ku raad-joogaan Enjineeradii sameeyey Naqshadda Dhismahaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media