Somaliland oo Milkiilaha Universal TV ku sii daysay amar ay ka heleen Madaxweynaha Kilinka 5-aad ee Ethiopia.

Milkiilaha Universal TV, Engineer Axmad Abuukar ayaa dib u helay Xorriyadiisa, kadib, markii uu ilaa iyo shalay u xirnaa Hay’addaha Ammaanka ee Maamulka Somaliland.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Kilinka 5-aad ee Soomaalida-Ethiopia, Cabdi Maxamed Cumar uu kaalin ka qaatay Sii-daynta Milkiilaha Universal TV, wuxuuna la soo xiriiray Madaxda Somaliland oo uu ku adkeeyey inay si shuruud la’aan leh ku sii daayaan Milkiilaha Universal TV oo xiriir fiican la leh Madaxweynaha Kilinka 5-aad ee Ethiopia.

Mid ka mid ah Maamulka Universal TV oo lagu magacaabo Abuukar Mahdi ayaa Bartiisa Facebook soo dhigay in la sii daayey Eng. Axmed Abuukar, isla markaana uu ku wajahan yahay magaalladda Muqdisho, oo Arbacadda  ka dhacayso Munaasabadda lagu caleemo-saarayo Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Dhinaca kale, Maamulka Somaliland waxaa weli u xiran Weriye C/maalik Muuse Col-doon oo ay ku eedeeyeen inuu Madaxweyne Farmaajo kula soo kulmay Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Somaliland ayaa la soo baxay dabeecad qallafsan oo ka dhan ah Suxufiyiinta, Fannaaniinta iyo Siyaasiyiinta ee la sheego inay socdaal ku tageen magaalladda Muqdisho.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media