Milateriga Suudaan oo war hor leh ka soo saaray xaaladda Cakiran ee dalkaas

Taliyaha militeriga Suudaan Janaraal Cabdel Fataax Al Burhaan ayaa sheegay in ciidanka ay waddada u xaari doonaan sidii loogu dhawaaqi lahaa dowlad rayid ah.

Khudbad uu ka jeediyay taleefishinka ayuu sheegay in ciidamada qalabka sida aysan hor istaagi doonin isbedel dimuqraadi ah, ayna ka go’an tahay inay ka shaqeeyaan sidii doorasho loo qaban lahaa.

Janaraal Cabdel Fataax Al Burhaan wuxuu sheegay in ciidamada aysan hadda ka qeyb geli doonin wadahadallada lagu soo afjarayo qalalaasaha siyaasadeed ee dalka ka jira, iyadoo dadaallada wadahadallada ay garwadeen ka noqon doonaan kooxaha bulshada rayidka ah.Taliyaha militeriga wuxuu ka gaabsaday xilligga rasmiga ah ay xilka ku wareejin doonaan dowlad rayida ah.

Waa tanaasulaad aad u weyn oo ay ku dhawaaqeen ciidanka, kuwaas oo la kulmay cadaadis badan oo kaga imaanayay dibad baxayaasha dimuqraadiyad doonka ah oo dibadbaxyo joogto ah ka waday guud ahaan Suudaan.

Militeriga Suudaan ayaa afgembi kula wareegay awoodda dalka bishii Oktoobar ee sanadkii hore kadib markii ay xilka ka tuureen Ra’iisul Wasaarihii dowladda rayidka aheyd Cabdalla Hamdok.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor