Ciidamada milateriga ee Soomaaliya ayaa sheegay in weerarada ka socda gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya in lagu qabsaday illaa 20 tuulo oo gacanta ugu jiray Al-Shabaab.
Kabtan Maxamed Ibraahin Daa’uud oo ah taliye ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa VOA u sheegay Isniintii, in ciidamada milateriga iyo dadka deegaanka oo hubaysan oo is kaashanaya inay dileen dagaalamayaal badan oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, sidoo kalena ay xoreeyeen illaa 20 tuulo oo ay gacanta ku hayeen Alshabaab.
Taliyaha ayaa sheegay in tuulooyinka ay dib ula wareegeen ay ku jiraan, dhawr goobood oo muhiim ah oo ku yaalla gobolka Hiiraan, sida magaalada Fido woo u dhow xuduuda Soomaaliya ay la wadaagto Ethiopia.
Taliye Maxamed ayaa sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen 20 xubnood oo ka tirsan ururka al-Shabaab. Wuxuu qiray in ciidamadu ay heleen taageero dhinaca cirka ah, xilliyadii ay socdeen hawlgallada, hase ahaatee ma magcaabin dalka taageerada cirka ah u fidiyey.
Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalladani ay hordhac u yihiin tallaabooyin lagu hirgelinayo aragtida dawladda eek u aaddan la dagaalanka argagixisada iyo sidii al-Shabaab looga sifayn lahaa guud ahaan dalka.