Midowga Yurub oo Soo Jeediyay in Loo Gurmado Qaxootiga Soomaalida Ee Ku Sugan Jabuuti

Warbixin lagu daabacay wakaalada wararka dalka Shiinaha ee Xinhua, ayaa algu sheegay in wadamada Midowga Yurub, ay soo jeediyeen in kaalmooyin cuno ah la gaarsiiyo Qaxooti ku jira xeryo kuyaala Gobolka Ali-Sabieh ee dalka Jabuti.

U jeedada dadaalka gargaarka ayaa lagu qeexay sidii sare loogu qaadi lahaa, nolosha qaxootiga ku jira xeryaha Gobolka Ali-Addeh.

Dalka Jabuuti, oo kamid ah wadamada geeska Africa, ayaa waxaa dadka ku nool lagu qiyaasaa 1 Million oo ruux, waxaana sidoo kale wadanka qeybo kamid ah kusoo dumay Qaxooti ka cararay wadanka ay dagalada sokeeye hareeyeen ee Somaliya.

Warbixinta ayaa sidoo kale shegeysa in 23,000 oo ruux ay gaarayaan qaxootiga la doonayo in gar gaarka la gaarsiiiyo kuwaasoo badankooda ka tagay dalka soomaaliya.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor