HomeCaalamkaMidowga Yurub oo shaaciyay in weerarada diyaaradaha Itoobiya ay halis galiyeen nabadda

Midowga Yurub oo shaaciyay in weerarada diyaaradaha Itoobiya ay halis galiyeen nabadda

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ay duqeymo ka geysteen magaalo weyn, oo ku taalla gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, iyadoo taasi ay halis galisay rajo aan cago badan ku taagneyn, oo nabadeed oo la waday. Jabhadda Xoreynta Tigrayga, ayaa ku eedeysay dowladda Itoobiya inay ka dambeysay weerarka. Ugu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ay duqeymo ka geysteen magaalo weyn, oo ku taalla gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, iyadoo taasi ay halis galisay rajo aan cago badan ku taagneyn, oo nabadeed oo la waday.

Jabhadda Xoreynta Tigrayga, ayaa ku eedeysay dowladda Itoobiya inay ka dambeysay weerarka.

- Advertisement -

Ugu yaraan toban qof ayaa ku dhintay, sideed iyo tobana kalana way ku dhaawacmeen duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn Arbacadii, sida ay sheegeen dhakhaatiirta magaalada Mekelle.

Bayaan uu soo saaray, Midowga Yurub, ayaa wuxuu ku booriyay dhinacyada dagaallamaya inaysan waqti kale khasaarinin, si ay u joojiyaan rabshadaha, oo loo u helo xabbad joojin joogto ah oo suura galineysa wada xaajood.

Laakin wuxuu sidoo kale sheegay ururku in doorka dalka deriska kala ah woqooyiga Itoobiya, oo ah Eritrea, uu sii wado in uu carqaladeeyo dadaallada nabadda. Ciidamada Tigreega, ayaa ku eedeeyay Eritrea inay taageertay ciidamada dowladda Itoobiya dagaalkii ugu dambeeyay.

- Advertisement -

Iska horimaadyada soo cusboonaaday, ayaa durba saameyn ku yeeshay dadaallada bini’aadantinimo ee lagu caawinayo dadka rayidka ah, ee ku sugan gudaha Tigray, halkaasoo malaayiin qof ay u baahan yihiin gargaar, iyadoo sahaydii la geyn lahaa gobolka hadda la hakiyay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts