Midowga Musharixiinta oo walaac ka muujiyay qaabka ay ku billawdeen doorashooyinka dalka

War murtiyeed laga soo saaray Shirka Midowga Musharaxiinta ee saddexda maalmood u socday, ayaa waxaa laga soo saaray qodobbo dhowr ah, waxaana  ay ku baaqeen in kaalinta Dowlad Goboleedka ay noqoto fududeynta iyo habsami u qabashada doorashada.

War-murtiyeedka ay soo saareen Midowga musharxiinta Madaxweynaha ayaa waxaa Xukuumadda loogu baaqay in doorashada aqalka hoose ay noqoto mid daah furan, waxaana sidoo kale uu golohu walaac ka muujiyay qaab ay ku billawdeen doorashooyinka dalka.

Waxaa War murtiyeedka lagu soo koobay afar qodob oo Golaha Midowga Musharixiinta ay ku sheegeen kuwo lagama maar maan ah oo doorashada dalka ka dhacaysa Muhiim u ah.

Hoos ka akhriso Warmurtiyeedka

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor