Midowga Musharixiinta oo shaaciyay in uu baaqday Bannaanbaxii Berri loo ballansanaa

Midowga Musharixiinta ayaa ku dhawaaqay in uu dib u dhacay bannanbixii loo ballansanaa in maalinta berri ah uu ka dhaco Tallada daljirka Daahsoon, kaasi oo ay horay ugu dhawaaqeen in uu dhacayo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo shir Jaraa’id qabtay ayaa warbaahinta u sheegay in bannaanbaxaasi uu baaqday, isagoo sababta ku sheegay in Dowladda ay goob kasta Ciidan soo dhoobtay, suurta galna aysan ahayn in bannaanbaxu dhaco, waxaana uu intaa ku daray in arrimo dhanka ammaanka ah ay jiraan oo aan u suurta galinayn bannaanbaxa.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya waxaa intaas uu ku daray in bannaanbaxu uu dhici doono, balse waqtiga ay dib kasoo sheegi doonaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Ciidamo aad u farabadan waxaa ay kusoo daadisay, Taallada Daljirka Daahsoon, halkaasi oo loo ballansanaa in uu ka dhaco bannaanbaxu, lamina oga sababta Ciidanka loogu daadiyay halkaasi, iyadoo wararku ay sheegayaan in ay ammaanka sugayaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor