Midowga Musharixiinta oo ka hadlay Kiiska Ikraan Tahliil, dalabna u gudbiyay RW Rooble

Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay kaga hadlayaan Kiiska Ikraan Tahliil oo ka tirsanayd hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA.

War-saxaafdadeedka kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa waxaa lagu sheegay in Golahu uusan ku qanacsanayn qaabka loo baaray kiiska Ikraan Tahliil iyo sido loo soo bandhigay, iyo in dambi ay tahay in loo saariyo Al-Shabaab.

Sidoo kale Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay Ra’isisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooblee War-saxaafadeed kooda  kaga dalbadeen, Sedex Qodob oo kala ah:

1- in isbeddal lagu sameeyo hoggaan Hay’adda Naabd Sugidda.
2- in kiiska loo saaro Guddi Caalami ah oo Madaxbannaan.
3- in Hay’adda loo magacaabo Hoggaan ay shacabku ku kalsoon yihiin.

Hoos ka akhriso War-saxafadeedka Midowga Musharixiinta

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor