HomeWararMidowga Musharaxiinta oo Waalli ku tilmaamay tallaabadii uu qaaday Farmaajo

Midowga Musharaxiinta oo Waalli ku tilmaamay tallaabadii uu qaaday Farmaajo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Midowga Musharaxiinta ayaa si kulul uga hadlay tallaabadii uu xalay qaaday Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib markii Maanta xubnaha Midowga ay kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho. Xasan Sheekh Maxamuud oo kulanka Midowga kadib shir Jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu Farmaajo ku eedeeyay inuu caqabad ku yahay doorashada dalka, uuna […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Midowga Musharaxiinta ayaa si kulul uga hadlay tallaabadii uu xalay qaaday Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib markii Maanta xubnaha Midowga ay kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh Maxamuud oo kulanka Midowga kadib shir Jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu Farmaajo ku eedeeyay inuu caqabad ku yahay doorashada dalka, uuna markii horeyba hortaagan bilaabashada doorashada dhaceysa.

- Advertisement -

Tallaabadii uu qaaday Farmaajo ee uu ku sheegay inuu Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta gudan waayay waajibaadkii ka saarnaa doorashada ayuu Xasan Sheekh sheegay inay Midowga ay kasoo horjeedan, isla markaana tallaabdaas aysan ku jirin Midnimo, ayna u arkaan mas’uuliyad darro in qar laga sii tuurayo dalka.

“Wixii xalay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku dhawaaqay waalli waayay oo aan ku dheehneynin Mas’uuliyad iyo damiir, annaga Warkaas waa diidanahay, dulqaadka siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed in loo qaato Dayuusnimo ma ahan” ayuu yiri Xasan Sheekh oo xusay in xiligaan aheyd inuu shaqeeyo Baarlamaanka 11-aad, balse arrintaas aysan muuqan haatan…

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynihii hore ee dalka ayaa waxaa uu tilmaamay in wadada kaliya ee doorashada u furan ay tahay in la saxo qalalaadka ka jira doorashada, dibna loo eego habraacyada ee horey loogu heshiiyay.

- Advertisement -

Xasan Sheekh ayaa wuxuu intaas hadalkiisa kusii daray in Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ku baaqay loo baahan yahay in la balaariyo, ayna ka qeyb galaan Midowga Musharaxiinta iyo Bulshada Rayidka ah.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee waqtiga ka dhammaaday Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan uga digay inuu qaado tallaabo halis gelin karta dalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts