Midowga Musharaxiinta oo kulan la yeelanaya Axmed Madoobe iyo Saciid Deni

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa in xeyndaanka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay kulan kula yeeshaan Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Kulanka Musharaxiinta iyo Madaxweyneyaasha Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda Cakiran ee siyaasadeed dalka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa.

Midowga Musharaxiinta iyo labada Madaxweyne maamul Goboleed ayaa sigaar ah diirada u saari doona sida lagu xalin karo khilaafka hareeyay doorashada 2021 iyo qaabka ay dowladda Federaalka ku dooneyso inay ku maamusho doorashada.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayan in dhinacyada ay ka arrinsan doonaan shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee la filayo inuu ka dhaco Teendhada Afisyooni, kaasi oo ay goobjoog ka noqoneyso Beesha Caalamka.

Mdaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada ayaa degay xeyndaanka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ee Magaalada Muqdisho, iyagoona qeyb galaya shirka Madaxda oo horey shuruudo adeg uga xireen ka qeyb galkiisa.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo ah isbareysi ayaa kasoo horjeeda Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waaxaana kulanka ay la yeelan doonaan Musharaxiinta uu kusoo aadaya, iyadaa xaaladda siyaasadeed ee dalka Cakiran tahay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor