Midowga Europe oo sheegay in la yareeyey Khatartii Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia

Madaxa Siyaasadda Dibedda iyo Ammaanka ee EU-da, Federica Mogherini ayaa hadalkaasi ka sheegay, kadib, markii ay ka qeyb gashay Kulankii Caadiga ee Wasiiradda Difaaca ee Dowladaha xubnaha ka ah EU-da

Kulankaasi waxaa looga xaajooday  Barnaamijka Difaaca iyo Hawlgalladda ee EU-da iyo Iskaashiga Isbahaysiga NATO iyo QM ee Hawlgalladda Nabad-ilaalinta iyo Maareynta Xiisadaha.

Federica Mogherini oo Suxufiyiinta la hadashay waxaa wax laga weydiiyey Su’aal ku aadan Hawlgalka Ciiddanka Badad ee Midowga Europe kula dagaalamayaan Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia waxay sheegtay in si muuqda loo itaal-yareeyey falalkii Burcad-baddeeda ka qowleysata meelaha ka baxsan Badda Somalia.

Waxay ammaantay Hawlgalka ATALANTA ee ay Ciiddanka Badda EU ka wadaan Badda Somalia, iyadoo sheegtay inay iyaga muhiimad Istaraatijiyad leh u tahay  inuu Hwalgalakasi ku shaqeynayo si xawli buuxa ah.

Dhinaca kale, Madaxa Ururka Midowga Europe ugu qaabilsan Siyaasadda Dibedda iyo Ammaanka,  Federica Mogherini waxay sheegtay inay rajeynayso inay  Dowladaha EU-da dhamaadka bishan ama horaanta bisha soo socota Go’aan ka qaadan doona halka loo wareejin doono Xarumaha Dhexe Dhexe ee Hawlgalka La-dagaalanka Burcad-baddeeda, oo haatan ku yaalla magaalladda London.

Waxayna carrabka ku dhufatay inay jiraan 2 waddan oo danaynaya inay marti-geliyaan Xaruntaasi, inkastoo aysan shaacinin magacyadda dalalkaasi.

Dowladaha Spain, Talyaaniga iyo Holland ayaa horey tartan ugu jiray sidii ay Xarumaha dhexe ee Hawlgalkaasi u marti gelin lahaayeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media