Midowga Europe oo Malaayiin Dollar ugu deeqay Somalia

Golaha Europe waxay shaaciyeen inay Ururka Midowga Europe (EU) ansixiyeen  89 million oo Euro oo u dhiganta 105 million oo Dollar oo lagu taageerayo Hawlaha Samafalka ee Somalia

Goluhu waxa uu tilmaamay in Kaalmaadaasi ku soo beegantay, iyadoo la filayo in Shirweynaha looga hadlayo Arrimaha Somalia oo ay Midowga Europe marti-geliyeen uu berrito ka furmo caasimadda dalka Belgium ee Brussels, wuxuuna kulankaasi socon doonaa muddo labo maalmmood.

Madaxa Hawl-fulinta Kaalmooyinka Aadaminimo iyo Maareynta Masiibooyinka ee EU-da, Christos Stylianides waxa uu sheegay in Kaalmadaasi Dhaqaale loogu tala-galay dadka aadka ugu nugul iyo taageeradda Naf-badbaadinta ee dadka ay dhibaataddu ka soo gaartay Isbedelka Cimiladda iyo Colaadaha ka socda gudaha Somalia.

Waxa uu tilmaamay in laga argagaxayo dhibaatadda Abaaraha ee Somalia ka jirtay Labadii sanno ee la soo dhaafay iyo dadadkii dhwaan la tegay xoolihii ay dhaqan jireen Malaayiin qof oo ku nool gudaha Somalia.

Sidoo kale, Madaxa Hawl-fulinta Kaalmooyinka Aadaminimo iyo Maareynta Masiibooyinka ee EU-da, Christos Stylianides waxa uu tilmamaay inay EU-da si xawli leh u kordhiyeen Kaalmadda Samafalka Aadminimo ee Somalia, iyadoo loo qoondeeyey Kaalmadda Somalia lacag dhan 119 million oo Euro oo u dhiganta 135 million oo Dollar  sannadkii hore ee keliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor