Midowga Afrika oo ugu baaqay Madaxweynaha Gambia inuu xilka ku wareejiyo Madaxweynaha La-doortay.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika waxay ugu baaqeen Madaxweyne Yaxye Jama inuu xushmeeyo Natiijadda Doorashadii Madaxtinimadda ee bishii hore ka dhacday Gambia.

Qoraalka Midowga Afrika waxaa Yaxye Jamaac loogu baaqay inuusan dalkiisa u horseedin Xiisad-siyaasadeed, Dagaalo iyo Barakaca dadka Rayidka.

Hadalka Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa yimid iyadoo ay Hoggaamiyayaal Afrikaan oo uu horkacayey Madaxweynaha dalka Nigeeria, Muxamdu Buhaari ay shalay booqadeen Caasimadda dalka Gambia ee Banjul, iyadoo Kulan la qaatay Yaxye Jaamac.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Gambia oo talada dalkaasi ku qabsaday Afgembi Milliteri sannadkii 1994-kii ayaa diidan inuu bishan 19-da xilka ku wareejiyo Madaxweynaha la-doortay ee Adaama Barow.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor