Midowga Afrika oo si toos ah u faragalinaya dagaalka Dowladda iyo TPLF

Ururka Midowga Afrika ayaa u gudbiyay casuumaad dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigray-ga wada-hadallo nabadeed, oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka sokeeye oo laba sano ka socda dalkaasi.

Wada hadallada ayaa la qorsheeyay in dhamaadka toddobaadkan ay ka dhacaan dalka Koonfur Afrika, wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo diblomaasiyadeed ayaa sidaasi qortay.

La taliyaha amniga qaranka Itoobiya, ayaa sheegay in dowladdu ay aqbashay martiqaadka.

“Dawladda way aqbashay martiqaadkan, kaasoo waafaqsan mawqifkayaga in si nabad ah lagu xalliyo khilaafka dagaal ee haatan jira, iyo baahida loo qabo in la yeesho wada hadal shuruud la’aan,” ayuu bartiisa twitterka ku soo qoray.

Dhanka Tigreega ayaan wali ka hadlin martiqaadka.

Dagaal cusub ayaa dib uga soo cusboonaaday waqooyiga gobolka Tigray bishii Ogosto, kaasoo lagu jabiyay xabbad joojin bini’aadantinimo oo shan bilood socotay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor