HomeCaalamkaMidowga Afrika oo rajo wanaagsan ka muujiyey qabsoomidda Doorashadda Somalia ee...

Midowga Afrika oo rajo wanaagsan ka muujiyey qabsoomidda Doorashadda Somalia ee 2020-ka

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Ergayga Khaaska ee Ururka AU-da ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Ambassador Francesco Madeira ayaa saadaaliyey inay si habsami leh u dhici doonto Doorashadda Madaxtinimadda Somalia ee lagu wado inay dhacdo 4 sanno kadib. Ergayga oo la hadlayey Suxufiyiin ka kala socday Dalalka ay Ciiddanka AMISOM ka joogaan Somalia, waxa uu tilmaamay inay DFS qorsheysay inay Doorashadda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ergayga Khaaska ee Ururka AU-da ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Ambassador Francesco Madeira ayaa saadaaliyey inay si habsami leh u dhici doonto Doorashadda Madaxtinimadda Somalia ee lagu wado inay dhacdo 4 sanno kadib.

Ergayga oo la hadlayey Suxufiyiin ka kala socday Dalalka ay Ciiddanka AMISOM ka joogaan Somalia, waxa uu tilmaamay inay DFS qorsheysay inay Doorashadda Labaad ee sannadka 2020-ka, isla markaana uu diyaar-garowgu horey u bilowday.

- Advertisement -

Ambassador Francesco Madeira waxa uu soo hadal-qaaday Dooraashadii lagu soo doortay Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Doorashadaasi ku dhacday rabshad la’aan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Ergayga AU-da ee u jooga Somalia waxa uu Weriyayaasha u sheegay inay Ciiddanka AMISOM ay abuureen Deegaan Ammaan ah oo taageeray dadaalka muhiimka ee Horumarinta Siyaasadda Somalia, Doorashadii Barlamaanka Federalka, Madaxweynaha DFS iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda.

Ergaygu waxa uu rajo ka muujiyey Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia, inkastoo uu qiray inay muddo qaadan doono Dib-u-soo-celinta Nabadda.

- Advertisement -

Mar wax laga weydiiyey Dagaalka 11-ka sanno jirsaday ee AMISOM kula jiraan Dagaalamayaasha  Alshabaab, waxa uu tilmaamay in Deegaanadii ay Alshabaab kala wareegeen ka hirgeliyeen mashaariic isugu jira Dugsiyo, Xarumo Caafimaad iyo Saldhigyo Bolis waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu Wareysigiisa ku xusay in qaar ka mid ah Madaxda Alshabaab bilaabeen inay iyaga iyo hubkooda isku soo dhiibaan DFS, waa sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha ahaatee, Hawlgalkii AMISOM ee ay kula jireen Alshabaab ayaa la sheegay inuu gaabis ku yimid labadii sano ee la soo dhaafay, sababo la xiriira iyagoon haysan Qalab ay kaga badbaadi karaan  miinooyinka iyo Qaraxyadda ay Alshabaab had iyo jeer ku aasaan Marinadda Askarta AMISOM ee ku sugan qeybo ka mid ah dalka.

Xigasho: zambiareports.com

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts