Hay’adda Human Rights Watch ayaa ku boorisay Ururka Midowga afrika inay shaaciyaan baaritaanka dilkii 14-qof oo rayid ahaa oo ay Ciiddanka Ethiopia ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ay bishii July 17-dii ee sannadkii hore ku dileen Tuulladda Wardiinle oo 37 KM dhanka Galbeed kaga toosan magaalladda Baydhabo.
Ururka Midowga Afrika waxay 2 maalin kadib dilkaasi bilaabeen Baaritaan lagu ogaanayo qaabkii loo dilay dadkaasi rayidka ahaa.
Baaritaanada hordhaca ee AU-da ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka AMISOM heleen xog dhinaca Sirdoonka oo lagu sheegay inay Alshabaab carbis ku qaadanayeen Tuulladaasi, kadibna ay Ciiddanka aadeen Tuulladda.
Warbixinta waxaa lagu muujiyey in Ciiddanka jidka loo galay, waxaana bilowday is-rsaasayn, mana kala cadda inay dadka rayidka u geeriyoodeen rasaastii la is-weydaarsaday.
Balse, Hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegtay inay 7 qof la hadleen, una xaqiijiyeen inuu dagaal ka dhicin Tuulladaasai iyo inay Ciiddanka Ethiopia toogteen 14 qof oo u taagnaa inay Salaad tukadaan iyo inay u duceeyean qof ku xanuunsanaa Tuulladaasi.
Dadka lagu dilay Tuulladda Wardiinle ayaa isugu jiray Odayaasha Tuulladda, Hogagamiyayaasha Diinta iyo Macallimiin iyo qaraabadda nin ku xanuunsanaa Tuulladaasi.
Hay’adda Human Rights Watch waxay sheegtay 6-bilood kadib inaysan dadka Tuullo-joogga Wardiinle helin wax warbixin ah oo ku aadan Baaritaanka dilkii 14-ka qof ama Kharajka magta dadkii noloshooda ku waayey Toogashadda ay Askarta Ethiopianka geysteen.
Dhinaca kale, Cilmi-baare Hay’adda Human Rights Watch ugu qaabilsan Afrika oo lagu magacaabo Laetitia Bader ayaa sheegtay in dilka loo geystay bulshadda saboolka ee ku nool Tuulladda Wardiinle yahay mid laga argagxo, loona baahnayn in kiiskaasi lagu hoos qariyo Roogga.
Laetitia Bader waxay ugu baaqday Ururka Midowga Afrika iyo Dowladda Ethiopia inay Ciiddankooda la xisaabtamaan, soona saaraan natiijadda Baaritaanka iyo in kuwa qaladka sameeyey loo hor keeno Sharciga iyo in Dhibanayaasha la siiyo magdhow.
Warbixinta Hay’adda Human Rights Watch ayaa soo baxday iyadoo ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM berrito Kulan Khaas ah ka yeelan doonaan Arrimaha Somalia.
©Radio Dalsan