Midowga Afrika oo hakiiyey xubinnimadda Suudaan

Ururka Midowga Afrika ee AU ayaa ku dhawaaqday inay joojiyeen Xubinnimadda dalka Suudaan. Kadib, markii ay Milliteriga dalkaasi toogasho ku dileen  Tobanaan Dibadbaxayaal ah.

Qoraal la soo dhigay Barta Twitterka ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Afrika  ayaa lagu sheegay in la joojiyey  inay Suudaan qeyb ka noqoto Hawlaha Midowga Afrika, ilaa laga dhisayo Dowlad Rayid oo ah qaabka keliya ee Suudaan kaga bixi karto  Xiisadaha ka taagan dalkaasi.

Go’aankan ayaa lagu dhawaaqay, kadib, markii ay Madaxda Midowga Afrika kulan degdeg ah ku yeesheen magaalladda Addis Abeba.

Qalaalaasha ka aloosan dalka Suudaan waxa u sababay in la dilo ugu yaraan 108 qof, lana dhawaaco in ka badan 500 oo qof.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media