Mid kamid ah Ergada soo Dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Caawa la dilay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado oo Caawa gudaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeeellaha Hoose ku dilay Nabadoon Caan ka ahaa degmadaaasi

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen in dilka uu ka dhacay Xaafadda Godey ee degmada Afgooye,isla markaana loo geystay Nadadoon kamid ahaa Ergada soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u Naxariisteen Xayeesi Mursal,iyadoona goobta si deg deg ah durbo ay uga baxsaday ragii ka dambeeyay dilkaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Degmada Afgooye ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay,iyagoo halkaasi ka wada baaritaano ku aadan sida uu dilka u dhacay.

Dilkan Caawa ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellahah Hoose ayaa ku soo aadaya xili xalay,halkaasi lagu dilay Nin Oday ahaa,waxaana uu kasoo baxay xiliga uu dilka ka dhacayay Masjid ku yaalla gudaha degmadaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media