Mid ka mid Somali-Maraykan lagu xiray Garoomada Diyaaradaha ee Maraykanka oo loo soo masaafuriyey Kenya.

Omar Jamal oo ah U-ololeeye Arrimaha Bulshadda Soomaalida ku nool Maraykanka ayaa sheegay in ugu yaraan 2 nin oo Somali Maraykan ah oo degganaa magaalladda Minneapolis ayaa lagu xiray Garoomadda Diyaaradaha Maraykanka, kadib, amarkii Madaxweyne Donald Trump ee lagu xayiray inay dadka u dhashay 7 dal oo Muslimiin ah soo galaan Maraykanka.

Mid ka mid ah Muwaadiniinta Somali-Maraykanka ayaa la qabtay xilli uu ka soo degayey Garoonka Diyaaradaha John F. Kennedy International Airport oo ku yaalla magaalladda New York.

Omar Jamal waxa uu xusay in Muwaadinkaasi dib loogu masaafuriyey dalka Kenya, halka kuwo kalena weli lagu hayo Garoonka Diyaaradaha ee Chicago.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmayso iyadoo Cambaarayn Caalami ah loo jeedinayo Go’aanka Donald Trump ku xayirayo dadka Muslimiinta ee doonaya inay soo galaan Maraykanka.
Jimcihii la soo dhaafay ayaa waxa uu Madaxweynaha cusub ee Maraykanka saxiixay Amar Fulin lagu xayirayo dadka u dhashay dalalka Somalia, Sudan, Syria, Yemen, Libya iyo Iraq ee Fiisaha ku soo galayo Maraykanka.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media