Mid ka mid ah Kursaasta Aqalka sare ee ku harsanaa Hirshabeelle oo la doortay

Barlamaanka dowlad goboleedka Hir-shabeelle ayaa Cali shacbaan Ibraahim u doortay in uu ka mid ah noqdo sanatarada ka imaanaya dowlad goboleedka Hir-shabeelle ee ka mid noqoya Barlamaanka 11aad ee dalka.

Cali shacbaan Ibraahim ayaa kula tartamay kursiga Cabduqaadir Xanafi Sheekh Bashiir iyo Cabdalla Cabdi Xuseen, wareega 3aad ee doorashada ayaa waxaa isugu soo haray Cali shacbaan iyo Cabduqaadir Xanafi .

Guddoomiyaha barlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay natiijada uu noqotay sidaan Cabduqaadi Xanafi Sheekh Bashiir 24 cod halka Cali shacbaan uu helay 62 Cod.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor