Mid ka mid ah Ilaaladii Khaaska ee Usaama Bin Laadin oo la xiray

Boliska dalka Jarmalka ayaa sheegay inay shalay gacanta ku dhigeen Eedeysane la soo shaqeeyey Hoggaamiyihii geeriyooday ee Ururka Alqaacida, Usaama Bin Laadin.

Eedeysanaha oo u dhashay dalka Tunisia, laguna magacaabo Saami A. ayaa sheegay in lagu qabtay magaalladda BOJUM ee W/Galbeed ee Jarmalka, mana jirin wax iska caabin ah oo muujiyey markii la qabanayey.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Jarmalka.Horst Seehofer waxa uu ku amray Madaxda Socdaalka inay dedejiyaan sidii Eedeysanahaasi loo masaafurin lahaa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media