Mid ka mid ah Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka oo la dilay

Kooxo hubeysan ayaa xaafad ka mid ah degamda Dharkenley ee Gobolkan Banaadir waxa ay ku dileyn mid ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaanada Golaha shacabka soomaaliya sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ninka la dilay, ayaa waxaa uu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana shalay galab casir liiqii lagu dilay Degmada Dharkiinley ee Magalada muqdisho.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ibraahin Cali Xasan, dableydii dilka gaysatay ayaa ka baxsatay goobtii ay ku dileen Nabadoonka.

Ciidamada dowladda Federalka Somaliya ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay,mana jirin ilaa iyo hadda cid loo qabtay dilkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor